Guddoomiyaha XSKC oo kulan la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Xoghayaha guud ee xiriirka.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaan maanta Xarunta Xiriirka kubadda cagta kulan kula qaatay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdullaahi Sheeq Nuur, Xoghayaha guud Ee Xiriirka Yuusuf Muxudiin Axmed iyo dhamaan shaqaalaha XSKC waxaana looga hadley sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka horyaalo XSKC oo hakad ku jiray mudooyinkii dambe.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarey sidii loo horumarin lahaa guud ahaan kubadda cagta Soomaaliya, waxaa si gaar ah looga doodey, kulanka soo socda oo aan layeelaneyno dhigeena Eswatini.

Xulka qaran Soomaaliya oo ku xareysan magaalada Dar Es Salam ee dalka Tanzania, ka hor kulanka Eswatini xulka qaranka ayaa kulamo saaxibtinimo ku ciyaari doono magaaladda Dar Es Salam.

Waaxda Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Media@footballsomalia.so