{"id":4208,"date":"2020-08-30T13:17:09","date_gmt":"2020-08-30T10:17:09","guid":{"rendered":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/?p=4208"},"modified":"2024-05-19T13:21:41","modified_gmt":"2024-05-19T10:21:41","slug":"xiriirka-kubabdda-cagta-oo-soo-saaray-jadwalka-horyaalka-dhallinyarada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/xiriirka-kubabdda-cagta-oo-soo-saaray-jadwalka-horyaalka-dhallinyarada\/","title":{"rendered":"Xiriirka kubabdda Cagta oo soo saaray jadwalka horyaalka dhallinyarada."},"content":{"rendered":"<p>Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa maanta oo bisha August 30 tahay ku dhawaaqay isku aadka horyaalka dhallinyarada ee sanadka 2020-ka.<\/p>\n<p>Munaasabadda qori tuurka tartanka ayaa lagu qabtay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan guddiga fulinta xiriirka iyo cayaaryahanno hore oo qaran.\u00a0Gudoomiyaha guddiga horumarinta dhallinyarada ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta xiriirka, Cabdalla Maxamuud Xersi, oo munaasabadda qori tuurka ka hadlay ayaa sheegay in tartankan dhamaantiis uu yahay tartan dhallinyaro.<\/p>\n<p>&#8220;Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagtu wuxuu qabanayaa tartanka dhallinyarada sanadkii lixaad oo xiriir ah. Kooxaha ka qeyb galaya waxaa matalaya dhallinyaro 14-15 jirro ah, maadaama tartanku uu yahay tartan dhallinyaro, waxaa loo soo xulay garsooreyaal aad u da\u2019yar oo dhammaan cayaaraha dhex dhexaadin doona\u201d sidaas waxaa yiri guddoomiyaha guddiga horumarinta dhallinyarada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, Cabdalla Maxamuud Xersi, oo intaa raaciyay in sanadkan ay tartanka ka qeyb galayaan ku dhawaad 400 oo caruur ah.<\/p>\n<div id=\"middle_article_campaign\"><\/div>\n<p><img decoding=\"async\" title=\"\" src=\"https:\/\/www.somsoccer.com\/somali\/uploads\/editor\/SFF-senior-vice-president-Ali-Abdi-Mohamed-RIGHT-and-the-head-of-youth-development-committee-Abdalla-Mahmoud-Hersi.jpg\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed, ayaa dhankiisa sheegay in cudurka Covid-19 ee dunida oo dhan saameeyay awgiis sanadkan kooxaha tartanka ka qeyb galaya loo qeybiyay afar qeybood, halka markii hore uu tartanku laba wareeg ahaan jiray.<\/p>\n<p>&#8220;Muhiimmadda ugu weyn ee qabashada tartakan aan ka leenahay waa in carruur aad u da\u2019yar lagu bar-baariyo kubbadda cagta si loo soo saaro cayaartoy da\u2019 yar oo tayo wanaagsan leh\u201dayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.<\/p>\n<p>&#8220;Ilaa iyo hadda natiijooyin wanaagsan ayaa laga gaaray qabashada tartanka, sdia aan wada xusuusanana xulkii qaranka ee Soomaaliya markeedii ugu horreysay gaarsiiyay kama dambeysta cayaarihii CECAFA ee dhallinta da\u2019doodu ka yartahay 17-ka sano waxaa lagusoo saaray horyaalka dhallinyarada\u201dayuu yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Tartanka ayaa sida la shaaciyay furmi doona maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan oo bisha September ku geegan tahay 2.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" title=\"\" src=\"https:\/\/www.somsoccer.com\/somali\/uploads\/editor\/SFF-senior-vice-president-Ali-Abdi-Mohamed.jpg\" alt=\"\" \/><img decoding=\"async\" title=\"\" src=\"https:\/\/archive.footballsomalia.so\/somali\/articles\/709\/Xiriirka-kubabdda-Cagta-oo-soo-saaray-jadwalka-horyaalka-dhallinyarada\" alt=\"\" \/><br \/>\n<img decoding=\"async\" title=\"\" src=\"https:\/\/www.somsoccer.com\/somali\/uploads\/editor\/070A8965.jpg\" alt=\"\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa maanta oo bisha August 30 tahay ku dhawaaqay isku aadka horyaalka dhallinyarada ee sanadka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4216,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"site-sidebar-layout":"default","site-content-layout":"","ast-site-content-layout":"default","site-content-style":"default","site-sidebar-style":"default","ast-global-header-display":"","ast-banner-title-visibility":"","ast-main-header-display":"","ast-hfb-above-header-display":"","ast-hfb-below-header-display":"","ast-hfb-mobile-header-display":"","site-post-title":"","ast-breadcrumbs-content":"","ast-featured-img":"","footer-sml-layout":"","theme-transparent-header-meta":"default","adv-header-id-meta":"","stick-header-meta":"","header-above-stick-meta":"","header-main-stick-meta":"","header-below-stick-meta":"","astra-migrate-meta-layouts":"set","ast-page-background-enabled":"default","ast-page-background-meta":{"desktop":{"background-color":"var(--ast-global-color-4)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"tablet":{"background-color":"","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"mobile":{"background-color":"","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""}},"ast-content-background-meta":{"desktop":{"background-color":"var(--ast-global-color-5)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"tablet":{"background-color":"var(--ast-global-color-5)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"mobile":{"background-color":"var(--ast-global-color-5)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""}},"footnotes":""},"categories":[9],"tags":[],"class_list":["post-4208","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4208","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4208"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4208\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4216"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4208"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4208"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4208"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}