{"id":5071,"date":"2013-03-03T14:34:27","date_gmt":"2013-03-03T11:34:27","guid":{"rendered":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/?p=5071"},"modified":"2024-05-20T14:39:57","modified_gmt":"2024-05-20T11:39:57","slug":"fifa-oo-tababar-u-furtay-garsooreyaal-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/fifa-oo-tababar-u-furtay-garsooreyaal-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"FIFA oo tababar u furtay garsooreyaal Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p>Tababar dhinaca garsoorka ah noociisuna yahay FIFA MA ayaa maanta magaalada Jabuuti uga furmay 28 garsoore oo ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana tababarkani uu qeyb ka yahay dadaal si wada jir ah ay u sameynayaan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta loogana gol leeyahay in xaga garsoorka Soomaaliya looga horumariyo.<\/p>\n<p>Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha xiriirka Cali Saciid Guuleed, xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab, guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Jabuuti Maxamed Yaasiin, Guddoomiyaha guddiga tartamada xirirka Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) iyo madax kale.<\/p>\n<p>Madaxa xafiiska wax barashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali maxamed Axmed oo ugu horeyn munaasabada furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in xiriirku uu waqti badan iyo dadaal geliyay sidii uu tababarka u geyn lahaa garsooreyaal da\u2019 yar arrintaasna lagu guuleystay maanta.<\/p>\n<p>&#8220;Halkan waxaa ku sugan garsooreyaal tayo wanaagsan oo ka kooban kuwo dhalinyaro ah oo heer qaran ah iyo kuwo heer caalami ah taasi waxaa ay muujineysaa sida xiriirka ay uga go\u2019antahay in uu horumarka garsoorka hoos kasoo bilaabo\u201dayuu yiri madaxa xafiiska wax barashada xiriirka Soomaaliyeed Cali maxamed Axmed.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Maxamed Yaasiin oo isna goobta ka hadlay ayaa kusoo dhaweeyay garsooreyaasha Soomaaliyeed dalkiisa isaagoo sheegay in Jabuuti aanay ku ahayn marti ama dad ajaanib ah laakin ay joogaan dalkoodii labaad.<\/p>\n<p>&#8220;Waan ogahay in badankiin aad ogtihiin in Jabuuti dalkiinii tahay laakin kuwa aan wali horay halkan u imaan ayaan u sheegayaa\u201dayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Maxamed Yaasiin.<\/p>\n<p>Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirku uu waligiisba ahmiyada koobaad siinayay dhanka horumarinta garsoorka, maadaamabuu yiri garsoorku uu laf dhabar u yahay inta badan howlaha xiriirku qabto.<\/p>\n<p>&#8220;Anigoo ku hadlaya macaga xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinayaa ururka FIFA dadaalkiisa aan dhamaadka lahayn ee Soomaaliya gaarsiiyay horumar la taaban karo\u2014FIFA waxay sameysay wax kasta oo karaankeeda ah oo ka hor joogsaday kubad cagta Soomaaliya in ay bur burto, isku daygaas wanaagsana waa lagu guuleystay sababtoo ah Soomaaliya caalamka kale ayay la socotay muddo ka badan 22 sanadood oo dalku soo dhex dabaasahay dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa iyo sharci darro dunida soo maray\u201dayuu xoghayaha guud ka sheegay munaasabadii furitaanka tababarkan maanta.<\/p>\n<p>Waxaa uu sidoo kale xoghayaha guud amaan usoo jeediyay dowlada, madaxda xiriirka kubada cagta iyo dhamaan shacabka Jabuuti oo uu shegay intii karaankooda ah in ay garab istaageen walaalohooda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dhankiisa Ahmed El Shenawi oo wakiil ka ah xafiiska horumarinta garsoorka FIFA ee magaalada Qaahira ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed in uu sameeyay dadaal dheeri ah marka loo eego xaga horumarinta garsoorka. &#8220;Anigoo ku hadlaya magaca FIFA waxaan aad ugu faraxsan yahay garsooreyaasha da\u2019da yar qaab dhismeedka jirkooduna wanaagsan yahay oo maanta horteyda ka muuqanaya\u201dayuu munaasabada ka sheegay Ahmed El Shenawi.<\/p>\n<p>Dhamaan madaxdii goobta ku sugyenyd, garsooreyaasha tababarka u fadhiya iyo saxafiyiintii meesha u yimid in ay tababarka kasoo waramaan ayaa la istaagay sacab kadib markii Ahmed El Shenawi uu ku dhawaaqay in FIFA qorsheyneyso tababarka sanadka soo socda in ay ku qabato caasimada Soomaaliya ee Muqdisho hadii xaalada amaan ee dalku ay sii horumarto.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubaqda cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa ku amaanay waaxda horumarinta gasoorka soo diyaarinta dhalinyarada aadka u da\u2019da yar. &#8220;Waxaan idinku boorinayaa in aad muujisaa dadaal dheeri ah iyo u go\u2019doomid shaqadiina mudada tababarku soconayo, ka qeyb gal xumo iyo in aaan si fiican loogu dhaga nuglaan casharka macalimiintu bixinayaan waxaa ay idin keeni karaan dhibcihiina oo hoos u dhaca ama macalimiinta oo idinka xanaaqa\u201dayuu garsooreyaasha u sheegay gudoomiyuhu ka hor intii aanu ku dhawaaqin furitaanka tababarka.<\/p>\n<p>Tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah ayaa waxaa macalin ka ah Lim Kee Chong oo uu kaalayo Boubakar Hanshi, halka madaxa xafiiska wax barashada xiriirka Cali Maxamed Axmed uu isu duwe ka yahay tababarka oo sidoo kale madaxa xafiiska horumarinta garsoorka Cabdi Cabdulle Axmed (baasaale) uu caawin doono macalimiinta FIFA mudada tabbarku soconayo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tababar dhinaca garsoorka ah noociisuna yahay FIFA MA ayaa maanta magaalada Jabuuti uga furmay 28 garsoore oo ka tirsan xiriirka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5083,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"site-sidebar-layout":"default","site-content-layout":"","ast-site-content-layout":"default","site-content-style":"default","site-sidebar-style":"default","ast-global-header-display":"","ast-banner-title-visibility":"","ast-main-header-display":"","ast-hfb-above-header-display":"","ast-hfb-below-header-display":"","ast-hfb-mobile-header-display":"","site-post-title":"","ast-breadcrumbs-content":"","ast-featured-img":"","footer-sml-layout":"","theme-transparent-header-meta":"default","adv-header-id-meta":"","stick-header-meta":"","header-above-stick-meta":"","header-main-stick-meta":"","header-below-stick-meta":"","astra-migrate-meta-layouts":"set","ast-page-background-enabled":"default","ast-page-background-meta":{"desktop":{"background-color":"var(--ast-global-color-4)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"tablet":{"background-color":"","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"mobile":{"background-color":"","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""}},"ast-content-background-meta":{"desktop":{"background-color":"var(--ast-global-color-5)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"tablet":{"background-color":"var(--ast-global-color-5)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""},"mobile":{"background-color":"var(--ast-global-color-5)","background-image":"","background-repeat":"repeat","background-position":"center center","background-size":"auto","background-attachment":"scroll","background-type":"","background-media":"","overlay-type":"","overlay-color":"","overlay-gradient":""}},"footnotes":""},"categories":[43],"tags":[],"class_list":["post-5071","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-tababarro"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5071","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5071"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5071\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5083"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5071"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5071"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/footballsomalia.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5071"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}