Xiriirka kubbadda Cagta oo soo gabagabeeyay horyaalka heerka seddexaad.

Waxaa Galabta garoonka Eng Yariisow ee magalada Muqdisho lagu soo gabagabeyay horyaalka heerka seddexad ee Soomaliya, ciyaartii kama dambeysta aheed ee kooxada Ummah fc ay isaga horyimaadeen kooxda kooxda Rajo fc.

Kooxda kubbadda Cagta ee Ummah Fc ayaa ku guuleysatay tartanka kadib markii ay urursatay 14 dhibcood mudadii tartanku socday oo ahayd intii u dhexeysay 20-kii May 2022 ilaa 14-ka Jun 2022. Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay 7 kooxood oo ay kala matalayeen kooxaha heerka seddexaad ee Soomaaliya.


Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed ayaa uga mahad celiyay kooxaha ka qeyb galay tartanka oo la’aantood ay suuragal noqoteen in tartankani qabsoomo.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Email: media@footballsomalia.so