Hedrik Pieter de jongh oo loo magacaaway macalinka xulka qaranka Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa xilka macalinimo u magacaabay Hedrik Pieter de jongh.

Hedrik oo u dhashay dalka Netherlands ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Muxudiin, Xoghayaha Guud ee XSKC ayaa sheegay in tababaraha cusub ee maamuli doona xidigaha badweynta uu sidoo kale saxiixay qandaraas labo sano ah.

Tababaraha cusub ayaa la filayaa inuu bilaabo shaqadiisa tababarnimo maalmaha soo aadan.


Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Email:media@footballsomalia.so