XSKC oo kulan la qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania.

Madaxa wafdiga xulka qaranka Soomaaliya Abuukar Islow Xasan iyo xubno ka tirsan wafdiga ayaa safiirada Soomaaliya u fadhisa magaalada dar es salaam ee dalka Tanzania, ambassador Marwo Zahra Cali Xasan (Zahra Daanduush) ayaa kulan qado Sharaf ah ugu sameysay safaarada Soomaaliya ay ku leedahey dalka Tanzania.

Kulanka oo looga hadlayey sidii loogu diyaar garoobi lahaa kulanka xulka qaran Soomaaliya ee 23 bishaan lagu ciyaari doono magaalada Dar Es Salaam ee wadanka Tanzania.

Abukar Islow ayaa u mahad celiyey safiiradda Soomaaliya u fadhiso dalka Tanzania.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Email: media@footballsomalia.so