Xulka Qaranka Futsalka Soomaaliya oo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ku jiro.

Xulka Qaranka futsalka Soomaaliya ayaa ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ciyaaraha futsalka ee xiriirka carabta oo lagu qaban doono Magaalada Dammam ee dalka sacuudiga

Xidigaha Xulka Soomaaliya ayaa markii ugu horeyay ka qeyb galaaaya ciyaaraha futsalka xiriirka carabta oo ay ka qeyb galayaan ilaa 10 xul oo ka tirsan xiriirka carabta.

Waxaan ku kalsoonaha ciyaartoyda aan soo xushay in ay matalaan xulka qaranka futsalka Soomaaliya, rajo wanaagsan ayaa ii muuqata inaan guul weyn ka keeni doono tartankan sidaas waxaa yiri Macalinka xulka qaranka futsalka Soomaaliya Saalax Faarax Muxidiin.

Cayaarahan futsalka Xiriirka carabta ee qaramada ayaa 20-ka bishaan ka furmaaya boqortoyada sacuudi carabiya.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so