Xulka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya cayaaraha Futsalka Carabta.

Xulka qaranka Futsalka ee dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya cayaaraha Futsalka ee dalalka ku jira ururka jaamacadda Carabta.

Cayaarahan oo sanadkan marti gelinayso boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ay Soomaaliya u tahay marki ugu horeysay oo ay ka qeyb gasho.

Xulka Soomaaliya ayay isku group yihin wadamada Mauritania, Algeria iyo Palestine. Xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa tababare Saalax Faarax Muxidiin u magacaabay macalinka xulka qaranka Futsalka isagoona dhawaan shaacin doona liiska cayaartoydiisa.

Cayaaraha Futsalka Jaamacadda Carabta ee qaramada ayaa ka furmaya dalka sacuudiga 20-ka bisha June ee inasoo aadan.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so