Doorashada xirirka kubbadda Cagta oo 22-ka February ka dhacaysa Hotel Elite

Guddiga Doorashada xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay goobta ay ka dhici doonto doorashada xiriirka ee loo madlan yahay 22-ka February .

Guddiga doorashada oo war rasmi ah soo saaray ayaa sheegay in doorashada xiriirku ay 22-ka February ka dhici doonto hotelka Elite ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa imaanaya iyadoo doorashadii barii oo ku beegan 1-da February ay dib u dhacday sababo la xiriira isu socodka magaalada oo xiran, taasoo keentay dib u dhaca doorashada.

Haddaba wixii warar ah ee kasoo kordha arrimaha doorashada waxaa dad weynaha Soomaaliyeed ee kubadda cagta xiiseeya ay kala socon karaan website-ka rasmiga ah ee xiriirka iyo sidoo jale barta aanu ku leenahay facebook.

Somali football federation Media departement

Email: media@footballsomalia.so