Garsoorayaal Soomaaliya oo dhexdhexaadin doono African Confederation Cup

Garsoorayaal Soomaali ah ayaa galabta qaban doono Ciyaar ka dhici doonaa garoonka Niamey-Stade Général Senyi Kountche ee ku yaala magaalada Niamey ee Dalka Niger ciyaarta ayaana u dhaxeyso Kooxaha ASN Nigelec ( Niger) vs Pyramids FC. (Masar )
Cumar C/qaadir Cartay, Xasan Maxamed Xaaji Xasan Baari, Xamza Xaaji Cabdi Cilmi Warsame iyo Sulaymaan Shiiq Bashiir ayaa maanta kasoo Muuqan doona dhex dhexaadinta kulan ciyaareed qeyb ka ah tartanka African Confederation Cup Qualification, CECAFA