Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta oo ku wajahan Tanzania.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, Cali Cabdi Maxamed, ayaa maanta u ambabaxay dalka Tanzania.

Wafdi heer sare ah oo uu guddoomiye Cali Cabdi Maxamed, hogaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan magaalada daarusalam ee dalka Tanzania, halkaas oo ay ugu qeyb gali doonaa shirka madaxda bariga iyo bartamaha Afrika.

Wafdiga guddoomiyaha Waxaa ku weliya xubin guddiga fulinta Cabdi Cusmaan Daamey.

Waaxda warfaafinta xiriirka kubada cagta soomaaliya 

Media@footballsomalia.so