Guddoomiyaha XSKC oo ka qeyb galay shirweynaha CECAFA.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa ka qeyb galay shirweynaha bariga iyo bartamaha afrika oo dhacay magaalada carusha ee dalka Tanzania.

Shirka oo ay ka qeyb galeen dhamaan madaxda xiriirada Kubadda cagta bariga iyo bartahama afrika,ayaa looga hadlay wax yaabihii u qabsoomay sanadkii tagay iyo qorshaha sanadka 2022.

Sidoo kale guddoomiayaha xiriirka kubadda cagta soomaliya Cali Cabdi Maxamed iyo xubin guddiga fulinta Cabdi Cusmaan Dameey ayaa kulan gaar ah la qaatay xoghayaha CAF Véron Mosengo-Omba iyo guddoomiye ku xigenka CAF Suleyman Waaberi kasoo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa kubadda cagta soomaaliya.

Waaxda Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Media@footballsomalia.so