Koobka General Daa’uud oo 26-ka bishan furmaya Muqdisho Stadium.

Furitaanka koobka General Daa’uud ee sanadkan waxaa uu xambaarsan yahay munaasabad kale oo ah 26-ka June oo ah maalintii ugu horeysay ee calanka Soomaaliya laga taagay dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“General Daa’uud wuxuu ahaa shaqsi ku suntan wadaniyad ahaana aas aasihii ciidanka xoogaga dalka Soomaaliyeed waxaana tartankan oo ah mid isaga lagu xasuusanayo furitaankiisa aan go’aaminay in lagusoo beego munaasabadda 26-ka June oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, mudane Cali Cabdi Maxamed.

“Maadaama uu tartanku furmayo 26-ka June waxaa la dhigay koob hal maalin ah oo lagu weyneynayo munaasabaddan qaaliga nagu ah” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta mudane Cali Cabdi Maxamed.

Cayaarta furitaanka koobka General Daa’uud ee sanadkan waxaa isaga hor imaan doona naadiyada Elman SC iyo Albeder FC.

Somali Football Media Department 

Email:media@footballsomalia.so