Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa daah furay aqoon korosi shan maalmood soconaya oo loo qabanayo garsoorka da’da yar ee dalka.
Aqoon kororsigaan oo ay iska kaashanayaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya & hay’adda FIFA, waxaa ka qeybgalaya 30 garsoore da’yar ah kuwaas oo loo diyaarinayo heerarka sare & kan caalamiga ah
Tababarkaan oo isugu jira casharo & shaqooyin garoonka ah waxaa bixinaya Ali Mohamed Ahmed (Somalia) & Mark Mazenko (Malawi) oo ah macalimiin ka socda hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA.
Waa markii labaad oo ay labadaan macalin dalka yimaadaan dalka muddo 3-bilood gudahood si ay casharo usiiyaan garsoorka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha XKCS ayaa kula dardaarmay garsoorka da’da yar iney ka faa’iideystaan macalimiinta, isla markaana la jaanqaadaan habka casriga ah ee garsoorka si ay mustaqbalka u noqdaan kuwa xirfadooda lagu qiimeeyo, wuxuuna sidoo kale ku booriyay iney mar walba u shaqeeyaan si adag si ay hamigooda u gaaraan.
Waaxda Garsoorka waa mid ka mid ah waaxaha uu hormarka badan ka sameeyay xiriirka kubadda cagta dalka, iyadoo qorshaha hormarineed ee waaxaha kala duwan ay tahay ballanqaadka hogaanka hay’adda.