Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka GOS oo kormeeray xulka U-17-ka

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee xiriirka caalamiga ah Duran Axmed Faarax ayaa Axdii booqasho ugu tagay xulka U-17-ka kubada cagta dalka Soomaaliya oo haatan tababar ku qaadanaya garoonka dugsiga sare ee booliska kadib markii ay kasoo qexeen stadium Banaadir.
Ujeedada booqashada guddoomiye ku xigeenka ayaa ahady in uu bal soo kormeero qaabka ay cayaartoydu tababarka u qaadanayaan, waxaana uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in wax weyn la qabtay.

‘Waxaan idin rajeynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan in aad ku yeelataan cayaarta kubada cagta”ayuu guyddoomiye ku xigeenku ku yiri cayaartoyda xulka U-17-ka isagoona ku dhiiri geliyay in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan si ay calanka iyo sharafta Soomaaliya u difaacaan.

Tababaraha xuka U-17-ka Maxamed Cabdulle farayare ayaa guddoomiye ku xigeenka uga war bixiyay xaalada adag oo ay ku shaqeeyaan, mudadii ay tababarka sio qaadanayeen dhibaatooyinkii ay la kulmeen iyo sida ay hada rajadoodu tahay.

“Mudane guddoomiye ku xigeen inkastoo aan dhibaato adag wajahayno hadana waxaan qabnaa kalsooni buuxda, booqasho iyo ka qeybgalna uma tageynee waxaan u tageynaa tartan guul ayaana rajeynayaa”ayuu tababaraha xulka U-17-ku u sheegay guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Farax.

“Mudane gudoomiye ku xigeen waxaan rabaa in aan hortaada uga mahad celiyo guddoomiyaha naadiga Heegan Col Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo runtii nagu deeqay garoonkan aan ku tababar qaadano kadib markii aan soo qaxnay” ayuu tababaruhu ku yiri guddoomiye ku xigeenka GOS.

Intaa kadib waxaa uu guddoomiye ku ixgeenku la kulmay cayaartoyda kubada cagta ee naadiga Heegan ee dhawaan dib loo dhisay waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo masuulkii ugu horeeyay ee GOS ka tirsan oo arka kooxda kubada cagta naadiga Heegan.

Guddoomiyaha naadiga Heegan Col Cali Shiine ayaa guddoomiye ku xigeenka siiyay warbixin ku aadan heerka uu naadigu haatan marayo iyo rajadiisa mustaqbalka dhow.

“Mudane guddoomiye ku xigeen waxaan rajeyneynaa in naadigani uu noqdo kan cayaartoyda ugu badan ee xulalka qaranku ay kasoo baxaan sida kubada cagta, Kubada koleyga,kubada gacanta, Kubada laliska iyo cayaaraha fudud”ayuu guddoomiyaha naadigu u sheegay guddoomiye ku xigeenka GOS.

Guddoomiye ku xigeenka oo aad ugu faraxsanaa wixii uu arkay ayaa mid mid u gacan qaaday cayaartoyda kooxda kubada cagta ee naadiga Heegan waxaana kadib uu booqday goob ay ku xareysan yihiin dhalinyaro aad u da’yar yar oo kubada cagta lagu bar baarinayo kadib markii ay Soomaaliya heshay mashruuca FIFA bixiso ee horumarinta kubada cagta ee Goal Project.

Guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyed Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe, Ku xigeenkiisa koobaad cali Saciid Guuleed Rooble,kaaliyaha xoghayaha xiriirka kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud Farey, guddoomiyaha guddiga danaha cayaartoyda Soomaaliyeed Xasan Axmed Barre iyo Yaxye Abuukar Aayow oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.