Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Guddoomiyaha xiriirka iyo Madaxweynaha hay’adda kubbadda cagta adduunka FIFA oo ka wada hadlay ….

Guddoomiyaha xiriirka iyo Madaxweynaha hay’adda kubbadda cagta adduunka FIFA oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta kubadda cagta Soomaaliya.
Waxaa Magaladda Paris dalka France joogo Wafdi uu hogaaminaye Gudomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Somaliyeed Mr. Ali Abdi Mohamed oo eey wehliyaan Madaxa Dhaqallaha XSKC Kana Mid ah Xubnaha Gudiga Fulinta Marwo Fahmo Kulle Ali iyo Xoghayaha Guud Mr. Yusuf Mohudin Ahmed.
Wafdiga uu Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta hogaaminaayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha FIFA Mr. Gainni Infantino xafiiska FIFA ee Paris France kullan ka waxaa looga hadlay qodobadda hoose ku xusan:
1. Taaakuleynta iyo dhismaha garoomadda Macmal ka ah ee kubadda Cagta Lagu ciyaaro
2. Hergalinta mashaariic horumarineed iyo kor u qaadista tayadda wax barashadda Macalimiinta, garsoorayasha kubadda Cagta, maamulka iyo Qeeybaha kala duwan ee Xiriirka Kubadda Cagta
3. Gaarsiinta kubadda cagta guud ahaan dalka dhamaan goboladda dalka soomaaliya iyadoo lagu deeqi doono qalabka kala kuwan ee kubadda Cagta sida dharka iyo kubaddaha lagu ciyaaro
4. In laga taakeero dhamaan dowlad goboleedyadda in helaaan garoomadda macmalka ah si loo helo fursad ciyaaraha kubadda cagta si caruurta yar yar ee jecel kubadda cagta
5. In la hergaliyo barnaamijyo nabadeed ee ciyaaraha ah gaar ahaan kubadda cagta madaama ay tahay tusaalaha nabadda iyo isdhexgalka bulashadda
Waxuu Madaxweynaha FIFA ku amaanay Soomaaliya in uu yahay waddan laga jecel yahay kubadda Cagta marka loo fiiriyo dhacdooyinka ka dhacay bilihii la soo dhaafay oo kubadda Cagta laga arkaaye garoomadda dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa isagane gaarsiyay Fariinta ah in kubadda Cagta la gaarsiyo tuulo iyo gobolka kasta oo soomaaliya ka mid ah.
Scroll to Top