Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa kooxda Dekedaha ugu hambalyeeyay ….

 

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa kooxda Dekedaha ugu hambalyeeyay iney u gudbeen wareega labaad ee isreeb-reebka koobka kooxaha qaaradda Afrika (CAF Champions League.

“Waxaaan Hambalyo leeyahay maamulka, macalimiinta, ciyaartoyda & taageerayaasha kooxda Dekedaha oo u gudubtay wareega labaad ee isreeb-reebka CAF Champions League”

“Guushaas waxey muujineysaa sida ciyaaraha Soomaaliya ay kor ugu kaceen, waxaana kulamada kusoo socda u rajeynayaa guulo kale”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fariin dhiirigalin ah u diray kooxda Horseed oo ka qeybgashay isreeb-reebka koobka CAF Confederation Cup balse aan wareega xiga u gudbin.

“Waxaan u mahadcelinayaa kooxda Horseed oo si qurux badan u ciyaartay kulamadeedii isreeb-reebka, natiijadii ay rabeen ma aysan gaarin balse waxaan ku amaanaya sida ay ugu diyaar garoobeen, taasoo ah qaab xirfadlenimo ah”

“Ka qeybgalkiina wuxuu noo ahaa wax weyn, waxaan idiin rajeynayaa nasiib wacan”

 

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Email:media@footballsomalia.so

Scroll to Top