Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Gudoomiyaha xiriirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Cadale.

 

Gudoomiyaha xiriirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Cadale.

Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta, Mudane Cali Cabdi Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Cadalle ee maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeele.

Degmada Cadale ayaa nasiib u yeelatay in gudoomiyuhu uu ku gaaro lugta hore ee socdaal uu ku marayo qaar ka mida goballada dalka.

Gudoomiyaha ayaa waxaa degmada qadiimiga ah ee Cadalle kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada, xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeele iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka safarka wafdiga guddoomiyaha xiriirka ayaa ah u kuur gelidda xaaladda kubbadda cagta deegaanada uu marayo oo sida qorshuhu yahay uu xiriirku dhawaan ka billaabi doono barnaamijyo horumarineed oo dhanka kubbadda cagta ah.

 

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Email:media@footballsomalia.so

 

Scroll to Top