Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa daah furay koorsada sanadlaha….

 
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa daah furay koorsada sanadlaha ee loo qabto garsoorka ugu sarreeya dalka (FIFA Elite Referees).
Koorsadaan oo socon doonta muddo shan Maalmood ah ayaa xambaarsan waxyaabo badan oo khuseeya garsoorka, dhanka sharciga, tijaabooyinka orodka & hannaanka farsamo ee garsoorka casriga ah.
Macalimiin heer FIFA ah oo dhanka farsamada iyo jirdhiska ayaa koorsada bixinaya, waxaana loo soo xulay macalin Ali Said & Mark Mazenko oo u dhashay dalka Malawi.

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Email:media@footballsomalia.so

Scroll to Top