Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa maanta….

 

 

 

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa maanta soo xiray koorso shan maalmood soconeysay oo loo qabtay garsoorka sare ee dalka (FIFA MA Referee Course).

Koorsadaan oo ay ka qeybgaleen in ka badan 30 garsoore oo isugu jiray kuwa caalamiga ah & kuwa heerka qaran ayaa qabsoomay, waxaa casharada bixinayay macalimiin heer FIFA ah oo dhanka farsamada iyo jirdhiska, waxaana loo soo xulay macalin Ali Said & Mark Mazenko oo u dhashay dalka Malawi.

“Waxaan jeclahay inaan marka hore u mahadceliyo macalinkeena Cali Saciid iyo saaxiibkiis Mark Mazenko oo u yimid halkaan iney garsoorka aqoonta u kordhiyaan” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdi Maxamed.

“Waxaan u hambalyeynayaa dhamaan garsoorkii ka qeybgalay kuwaasoo helay aqoon baaxad leh, diyaarna u ah iney hirgaliyaan.

Madaxweynaha wuxuu intaas raaciyay: “Waxaa naga go’an inaan hagaajino hannaanka garsoorka dalka si aan u hubino iney noqdaan kuwa ugu sarreeya iyagoo kalsooni ku qaba awoodooda”

 

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Email:media@footballsomalia.so

Scroll to Top