Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, Xoghayaha guud ee xiriirka Yuusuf Muxiyadiin Axmed & wafdi ay hogaaminayaan oo ka qeybgalay Shirweynaha 46-aad ee xiriirka Qaaradda Afrika (CAF).
Shirweynaha oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa looga hadlay go’aanada muhiimka ah ee kubadda cagta Afrika oo ay ka mid yahiin Maamulka, hormarinta & qabanqaabada tartamada soo socda.
Sidoo kale waxey ka qeybgaleen shir doceed ay yeesheen xiriirada ku mideysan dalalka Bariga & Bartamaha Afrika (CECAFA) kaas oo isna looga hadlay arrimaha sida gaarka ah u quseeya gobolka iyadoo uu goob joog yahay madaxweynaha xiriirka kubadda Afrika Dr. Patrice Motsepe.
Ka qeybgalka shirkaan muhiimka ah waxey muujineysaa sida masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta ay dadaal ugu jiraan hormarinta kubadda cagta dalka.
Somali Football Federation Media Department
Email:media@somsoccer.so