SOMALI FUTSAL CUP
Madaxweyne ku xigeenka saddexaad ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Yuusuf Xuseen Muumin oo uu wehliyo agaasimaha Waaxda Futsal-ka Eng. Axmed Salaad Dhiblaawe & xubno kale ayaa ka qeybgalay qori-tuurka tartanka Somali Futsal Cup 2024.
Tartankaan oo ay ka qeybgalayaan 14 kooxood ayaa loo qeybiyay Afar qeybood (Group).
Qorshahaan wuxuu ka mid yahay qorshayaasha uu rabo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed in lagu hawlgaliyo dhamaan waaxaha kala duwan ee hay’adda si fursado loogu abuuro dhalinyarada.