Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha JFS Xil. Maxamud C/qaadir Xaaji Jeego oo ay wehliyaan Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed & Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cumar Cali Cabdi ayaa daah furay koobka Janaraal Daa’uud sanadka 2024.
Tartanka Janaraal Daa’uud oo ka mid ah koobabka Maxaliga ah ee dalka ayaa waxaa ku tartama kooxaha heerka qaran ee dalka, waxaana ciyaarta furitaanka maanta isaga hor yimid kooxda Ciidanka Booliska dalka ee Heegan & kooxda Gantaalaha Afgooye, iyadoo Heegan ay guul weyn ku furatay tartanka.
Tartankaan sanadlaha ah waxaa lagu xusaa Janaraalkii ugu horreeyay oo uu yeesho dalkeena, sidoo kalana ahaa taliyihii ugu horreeyay ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Da’ud Abdulle Hersi) kaas oo sanadkii 1965 geeriyooday.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 1972 agaasimayay tartankaan xiisaha badan oo ah dhacdada labaad ee ugu weyn kubadda cagta dalka, waxaana sanadkaan ka qeybgalaya heerkiisa caadiga ah 24-kooxood.
Kooxda Dekedaha FC ayaa ah difaacdayaasha tartankaan weyn kadib markii ay kama dambeystii ku garaaceen dhigooda Elman.