Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu soo afmeeray tababar….

 

Xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu soo afmeeray tababar shan maalmood socday oo loo qabtay garsoorka da’da yar ee dalka.

Tababarkaan oo ay bixinayeen macalimiin ka socda hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA waxaa ka faa’iideystay 30 garsoore oo loo diyaarinaayo heerka sare ee garsoorka.

Garsoorayaashaan dhalinta yar ayaa la baray isbadalka ku yimid (Sharciga kubadda cagta), shaqooyinka gaarka ah ee garsoorka & sidoo kale muhiimadda ay leedahay in go’aanno saxan la qaato.

Xubin Guddiga fulinta ah Abuukar Isloow ayaa soo xiray tababarka, kaas oo garsoorayaasha dhalinyarada ah kula dardaarmay iney kor u qaadaan magaca dalka isla markaana shaqo adag qabtaan si ay u gaaraan heerka sare.

Macalin Ali Mohamed Ahmed oo u dhashay Soomaaliya & Mark Mazenko oo kasoo jeeda (Malawi) ayaa tababarkaan bixinayay.

Macalimiinta tababarkaan bixinayay ayaa siyaabo kala duwan ula dardaarmay garsoorka, waxeyna u muujiyeen sida ay diyaarka ugu yahiin iney caawiyaan mar walba.

Waaxda Garsooarka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxey ka mid tahay waaxaha ugu muhiimsan ee laga sameeyay hormarka la taaban karo mudooyinkii ugu dambeeyay.

 

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Bulshada XCKS 

Mogadishu – Somalia

E-mail:Media@footballsomalia.so

Scroll to Top