Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah u soo xiray tartankii futsalka ee muddooyinkii u dambeeyay ka socday degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Tartankan oo ka mid ahaa ciyaaraha lagu xoojinayo horumarinta isboortiga dhalinyarada ayaa soo jiitay taageerayaal badan.
Ciyaarta kama dambaysta ah ee tartankan waxaa ku kulmay naadiyada Al-Zuhri iyo KPP, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan. Dhammaadka waqtiga caadiga ah, labada kooxood ayaa ku kala baxay barbardhac 1-1, taas oo keentay in lagu kala baxo rigooreyaal. Naadiga Al-Zuhri ayaa si xarago leh ugu guuleystay tartanka kadib markii ay rigooreyaal kaga adkaadeen dhiggooda KPP.
Gudoomiye Cali Cabdi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay Maamulka Demada Waaber sida moga leh ee ugu qeyb qaaten hansami u socodka tartankani iyo dhammaan kooxihii ka qaybgalay tartanka, isagoo bogaadiyay sida ay dhalinyaradu u muujiyeen xirfad sare, anshax wanaagsan, iyo dadaal joogto ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka kubadda cagta uu ka go’an yahay horumarinta ciyaaraha heerarka kala duwan, gaar ahaan kuwa futsalka oo noqday kuwo si weyn u soo jiidanaya dhalinyarada.
Naadiga Al-Zuhri ayaa lagu gudoonsiiyay koobka tartanka, iyadoo sidoo kale abaalmarino iyo Bilado. Taageerayaashii ka qeybgalay munaasabadda ayaa si weyn u muujiyay farxaddooda, iyagoo ku tilmaamay tartanka mid dhiirrigelin u ah kobcinta xirfadda dhalinyarada.
Tartankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo kor u qaaday xiriirka bulshada iyo dhiirrigelinta nabadda, waana guul kale oo muujineysa sida isboortigu ugaalin ugu leeyahay isku xirka bulshada Soomaaliyeed.
Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Bulshada XCKS
Mogadishu – Somalia
E-mail:Media@footballsomalia.so