Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

GUDDIGA AADAABTA IYO ANSHAXA XKCS…..

UJEEDDO: Go’aan Anshax Marin, Si Waafaqsan Qod. 97 XA&A ee XKCS

 

 DULUCDA EEDDA (STATEMENT OF CHARGES)

Eedeysanaha waxaa lagu soo oogay eedeymaha hoos ku xusan, kuwaas oo ka hor imanaya xeerarka iyo habraacyada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (XKCS):

  1. In uu ku kacay been abuur sameyn dukuminti ah, taas oo dhaawacaysa hufnaanta iyo kalsoonida hay’adda.
  2. In uu isticmaaleen dukuminti been abuur ah si uu u gaaro dano gaar ah, fal ka soo horjeeda mabaa’di’da cadaaladda iyo maamulka suuban.
  3. In uu abaabulay shirar lagu duminaayo XKCS, taas oo jebinaysa nidaamka maamulka iyo kala dambeynta hay’adda.
  4. In uu sameeyay xeerar aan loo marin habraaca dastuuriga ah ee XKCS, taas oo lid ku ah nidaamka sharciyadeed ee jira.
  5. In uu ku kacay falal ka hor imanaya ujeeddooyinka iyo hadafyada XKCS, kuwaas oo dhaawacaya sumcadda iyo danaha guud ee xiriirka

BAARISTA GUDDIGA

Guddiggu asiga oo guddanaya waajibaadkiisa ku xusan Qod. 65, 88 XA&A ee XKCS, waxa uu gudda galay baaristiisa la xariirta warka danbi ee soo gaaray, waxa uuna raadiyay caddeymaha loo haayo jabinta la sheegay in ay dhacday, waxa uu wareysi la yeeshay soo gudbiyaha warbixinta danbiga, sida uu qabo Qod. 82, 89 Xeerka Adaabta iyo Anshaxa XKCS, barista guddiga waxyaabaha uu ku ogaaday waxaa kamid ah:

  1. In eedaysane maxamed c/laahi xaaji uu sameeyay dukuminti been abuur
  2. In Eedeysanaha Dukumintiyada xiriirka kubadda cagta uu si qaldan u
  3. Eedeysanaha inuu ku been abuurtay saxiixa xoghaya gud ee

Eedeysanaha inuu rabay laba ciyaartooy inuu keeno kooxda jeenyo isagoo aan umarin habraaca sharciga ah, labada ciyaartooy waxaa lagu kala magacabaa

1.          RAYMOND KAGANDA

  1. DAYWRIGHT MAONDO NAMBAKA

Eedda Guddigga uu u jeediyay eedeysane maxamed cabdullahi xaaji

Guddigga asiga oo cuskanaayaa caddeymaha uu helay iyo wareysiyada uu la yeeshay dadka xog ogaalka ah waxa uu go’aansaday in uu maxamed cabdullahi xaajiku eedeeyo Qod. 43aad faqradahiisa 2 iyo 3 ee xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS, sababtoo ah eedeysanaha waxa uu sameeyay xadgudub Gabi ahaanba meesha looga saaraayo sharciyadda maamulka xariirka kubadda cagta soomaaliyeed, eeddaas oo ay Summaddeedu tahay SUMMAD: GAA/020/2026 kuna taariikheysan22/03/2026, ujeeddadeeduna tahay Eeddeyn si waafaqsan Qod. 65 XA&A, nuxurka eeduna ahaa “ku xadgudub iyo sameyn ducomenti been abuur ah si uu ugaaro dano u gaarah.

OGEYSIINTA EEDDEYSANAHA DACWADDA

  1. Guddigga ayaa dhinaca la eedeyay u gudbiyay eedda loo heysto, waxuuna u sheegay in uu xaq u leeyahay in uu nafahaantiisa iska difaaca eedda loo heysto ama uu soo wakiisho qareen ama qof asiga matala si waafaqsan 77 ee Xeerka Anshaxa, ogeysiintaas oo waafaqsan Qod. 75 ee Xeerka Anshaxa, waxaana loo diray ogeysiimaha ku kala taariikheysan:-
  2. Warqadda ujeedadeedu tahay ogeysiin dacwo ee summaddeedu tahay Summ: G.A.A/021/2026 ku taariikheysan 11/04/2026.
  3. Warqadda ujeedadeedu tahay ogeysiin dacwo ee sumaddeedu tahay Summ: G.A.A/022/2026 ku taariikheysan 18/04/2026.

Guddigga Anshaxa iyo Aadaabta ee XKCS, waxa uu si taxadar dheeraad ah ku jiro u hubiyay in dhinaca eedeysanaha ay gaartay ogeysiista iyo muddeynta loo qabtay, taas oo u dhacday si waafaqsan Qod. 79 F1aad & F2aad ee XA&A. maadaama uusan wax jawaab ah ka bixin fariimihii aan ugu dirnay emailkiisa iyo whats Appkiisa gaarka ah. Guddigga waxaa u caddaatay in ay fariimaha ogeysiinta ah uu eedeysanahu si ula kac isaga indhatiray.

ASBAABTA GO’AANKA

Guddigga Anshaxa iyo Aadaabta XKCS

  1. Markuu arkay  warqada   warbixinta   kasoo   baxday   xafiiska   waaxda sharciyadda XKCS ee ku taariikheysan 22/03/2026.
  2. Markuu arkay inuu eedeysanaha diyaar u ahayn inuu dacwo baxo
  3. Markuu arkay cadeymanka lasoo bandhigay in ay yahiin cadayman ku filan oo go’aan lagu gaari karo.
  4. Makuu arkay     qodobka       43aad       faqradaha      2      iyo3,65, 75,77,82,88,89,90/,97xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS.

GO’AANKA GUDDIGGA

Guddigga Anshaxa iyo Aadaabta asiga oo cuskanaaya asbaabta sare ku xusan, waxa uu cadaaday eedeysane Maxamed cabdullahi xaaji inuu ku xadgudbay Qod. 53aad faqaradiisa 2 iyo 3aad ee xeerka Anshaxa iyo aadaabta XKCS, waxaana lagu anshax mariyay:

  1. Mudane Maxamed Cabdullahi Xaaji waxaa laga mamnuucay howlaha la xariira kubadda Cagta heer kasta Muddo (1) Hal sano
  2. Maxamed Cabdullahi Xaaji Waxa lagu ganaaxay lacag dhan $500 (shan boqol Dollar).
  3. Go’aankaan waxaa ka furan Racfaan ku simman muddada uu sharcigu tilmaamay si waafaqsan qodobka qodobka 102 ee xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS,

Go’aankaan waxaa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 23/04/2026.

 

https://drive.google.com/file/d/11yl2_WKeUPEWNBx_toRQwaY60R6XlW0B/view?usp=sharing

Scroll to Top