Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

GUDDIGA AADAABTA IYO ANSHAXA XKCS…..

UJEEDDO: Go’aan Anshax Marin, Si Waafaqsan Qod. 97 XA&A ee XKCS

 

 HORDHACA

Waxaa Gudgiga Aadaabta iyo AnshaxaXKCS soo gaaray warqadda tixraaceedu yahay SFF/LO/017/2026 kuna taariikhaysan 08/02/2026, ujeedadeedu tahay warbixin sharciyeed lid ku ah Guddoomiyihii hore ee Kooxda Horseed, Mudane Ahmed Mohamed Hassan waxay kasoo baxday Waaxda Sharciyada ee XKCS, uuna ku saxiixan Garyaqaan Axmed Cabdiraxmaan Cali.

Duluucdaeedda ama warbixinta danbi ee lasoo gudbiyay waxa ay ku saabsaneyd:

  1. Ku xadgudubka Ujeedooyinka ama hadafka xariirka kubadda cagta soomaaliyeed:-gudoomiyihii hore ee kooxda horseed waxuu ku kacay falal si cad uga hor imanaayo waajibaadka xubinimo ee ku qeexan dastuurka SFF isagoo abaabulay, ka qaybgalay, islamarkaana taageeray shirar iyo kulamo ujeedadooda ahayd in lagu dumiyo jiritaanka, sharcinimada iyo midnimada xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed taasoo kahorimaanaysa qod: 2aad faqradahiisa E iyo G.
  2. Ku xad gudubka mabda’a midnimada iyo maamulka sharciga ah:-waxuu kahoryimid nidaamka maamul iyo madax-banaanida sharciga ah ee SFF, isagoo ka qaybgalay falal abuuraaya kala qaybsanaan, wiiqaaya kalsoonida xubnaha iyo carqaladayn hawlaha rasmiga ah ee xiriirka taas oo sidoo kale kahor imaanaya qod: 2aad ee dastuurka xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed, madaama qodobkaan faqradiisa 2aad aay waajibinayso in qofkasta ee ku lug leh kubadda cagta ay waajib ku tahay in ay ixtiramaan una hogaansamaan dastuurka iyo xeerarka FIFA, CAF IYO SFF, ilaaliyaan midnimada iyo sharciyadda xiriirka u dagsan.
  3. Sumcad Dilid:-Gudoomiyihii hore ee Kooxda Horseed wuxuu ku kacay falal sumcaddil ku ah kubadda cagta soomaaliyeed, hoos udhigaysa sharafta iyo kalsoonida kubadda cagta, abuuraysa jahwareer iyo qalqal ku yimid nidaamka kubadda cagta taas oo kahor imaanaysa mabaadi’dadastuuriga ah iyo xeer hoosaadyada xiriirka sida qod:33aad faqradiisa 2aad xarafka A,D iyo F ee xeerka aadaabta iyo anshaxa.

BAARISTA GUDDIGA

Guddiggu asiga oo guddanaya waajibaadkiisa ku xusan Qod. 65, 88 XA&A ee XKCS, waxa uu gudda galay baaristiisa la xariirta warka danbi ee soo gaaray, waxa uuna raadiyay caddeymaha loo haayo jabinta la sheegay in ay dhacday, waxa uu wareysi la yeeshay soo gudbiyaha warbixinta danbiga, sida uu qabo Qod. 82, 89 Xeerka Adaabta iyo Anshaxa XKCS, barista guddiga waxyaabaha uu ku ogaaday waxaa kamid ah:

  1. In uu dhacay faldanbiyeed ah gabi ahaanba meesha looga saaraayo sharciyadda maamulka xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed, sidoo kale gudiga waxuu ogaaday falkaas inuu sameeyay eedeysanaha isaga oo shir gudoomiyay kulan lagudhisay maamul garabyaala maamulka sharciga ah ee XKCS, kulankaas oo dhacay taariikhda markii ay ahayd 21/06/2025. falkaas oo xadgudub iyo jabin cad ku ah qod:43aad faqradahiisa 2 iyo 3 xeerka anshaxa iyo aadaabta ee
  2. Intaas kadib guddigu waxa uu wareysiyo kala duwan la yeeshay dadkii uu arkay in ay wax ka ogyihiin xadgudubyada lasoo gaarsiiyay Guddigga ee uu ku kacay Eeddeysane Axmed Maxamed Xasan, sidoo kale waxa guddigga uu helay caddeymo isugu jiro Sawiro iyo muqaalo kuwaas oo muujinaya in uu jiro faldanbiyeedka ku xusan Qod.43faqaradiisa 2 iyo 3 ee xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS.
  3. Maadaama caddeymo ku filan oo go’aan lagu gaari karo uu guddigu helayin eedeysanahu uu ku kacay falalka lagu soo eeddeeyay guddiggu waxa uu go’aamiyay in eedeysanaha lagu eedeeyo in uu ku xad gudbay 43aad faqaradiisa 2 iyo ee xeerka anshaxa iyo aadaabta ee XKCS.

Eedda Guddigga uu u jeediyay eedeysane Ahmed Mohamed Hassan

Guddigga asiga oo cuskanaayaa caddeymaha uu helay iyo wareysiyada uu la yeeshay dadka xog ogaalka ah waxa uu go’aansaday in uu Ahmed Mohamed Hassan ku eedeeyo Qod. 43aad faqradahiisa 2 iyo 3 ee xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS, sababtoo ah eedeysanaha waxa uu sameeyay xadgudub Gabi ahaanba meesha looga saaraayo sharciyadda maamulka xariirka kubadda cagta soomaaliyeed, eeddaas oo ay Summaddeedu tahay SUMMAD: GAA/017/2026 kuna taariikheysan26/02/2026, ujeeddadeeduna tahay Eeddeyn si waafaqsan Qod. 65 XA&A, nuxurka eeduna ahaa “waxaa lagugu eedeynayaa Qod. 43 (F2, 3aad) ee Xeerka Anshaxa iyo Aadaabta SFF, sababta oo ah waxaa ku kacday fal gabi ahaanba meesha looga saaraayo sharciyadda maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed SFF, adiga oo shir guddoomiyay kulan lagu dhisaayo maamul garab yaalla maamulka sharciga ah ee SFF, kulankaas oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd 21/06/2025, falkaas oo xadgudub iyo jabin cad ku qodabka sharci een sare ku soo sheegnay”.

OGEYSIINTA EEDDEYSANAHA DACWADDA

  1. Guddigga ayaa dhinaca la eedeyay u gudbiyay eedda loo heysto, waxuuna u sheegay in uu xaq u leeyahay in uu nafahaantiisa iska difaaca eedda loo heysto ama uu soo wakiisho qareen ama qof asiga matala si waafaqsan 77 ee Xeerka Anshaxa, ogeysiintaas oo waafaqsan Qod. 75 ee Xeerka Anshaxa, waxaana loo diray ogeysiimaha ku kala taariikheysan:-
  • Warqadda ujeedadeedu tahay ogeysiin dacwo ee summaddeedu tahay Summ: G.A.A/018/2026 ku taariikheysan 16/02/2026.
  • Warqadda ujeedadeedu tahay ogeysiin dacwo ee sumaddeedu tahay Summ: G.A.A/018/2026 ku taariikheysan 23/03/2026.

Guddigga Anshaxa iyo Aadaabta ee XKCS, waxa uu si taxadar dheeraad ah ku jiro u hubiyay in dhinaca eedeysanaha ay gaartay ogeysiista iyo muddeynta loo qabtay, taas oo u dhacday si waafaqsan Qod. 79 F1aad & F2aad ee XA&A. maadaama uusan wax jawaab ah ka bixin fariimihii aan ugu dirnay emailkiisa iyo whats Appkiisa gaarka ah. Guddigga waxaa u caddaatay in ay fariimaha ogeysiinta ah uu eedeysanahu si ula kac isaga indhatiray.

ASBAABTA GO’AANKA

Guddigga Anshaxa iyo Aadaabta XKCS

  1. Markuu arkay  warqada   warbixinta   kasoo   baxday   xafiiska   waaxda sharciyadda XKCS ee ku taariikheysan 08/02/2026.
  2. Markuu arkay inuu eedeysanaha diyaar u ahayn inuu dacwo baxo
  3. Markuu arkay cadeymanka lasoo bandhigay in ay yahiin cadayman ku filan oo go’aan lagu gaari karo.
  4. Makuu arkay     qodobka       43aad       faqradaha      2      iyo3,65, 75,77,82,88,89,90/,97xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS.

GO’AANKA GUDDIGGA

Guddigga Anshaxa iyo Aadaabta asiga oo cuskanaaya asbaabta sare ku xusan, waxa uu cadaaday eedeysane Ahmed Mohamed Hassan inuu ku xadgudbay Qod. 43aad faqaradiisa 2 iyo 3aad ee xeerka Anshaxa iyo aadaabta XKCS, waxaana lagu anshax mariyay:

  1. Mudane Ahmed Mohamed Hassan waxaa laga mamnuucay howlaha la xariira kubadda Cagta heer kasta Muddo (1) Hal sano
  2. Ahmed Mohamed Hassan Waxa lagu ganaaxay lacag dhan $1,000 (Kun Dollar).
  3. Go’aankaan waxaa ka furan Racfaan ku simman muddada uu sharcigu tilmaamay si waafaqsan qodobka qodobka 102 ee xeerka anshaxa iyo aadaabta XKCS,

Go’aankaan waxaa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 28/03/2026.

 

https://drive.google.com/file/d/1WPVBxURgPaKduBCOlgz5jG-1IJtyL9Qa/view?usp=sharing

Scroll to Top