Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

CAF oo tababar aqoon kororsi u qabatay masuuliyiin ka socday qaarada Afrika.

 

CAF oo tababar aqoon kororsi u qabatay masuuliyiin ka socday qaarada Afrika.

CAF oo tababar aqoon kororsi u qabatay masuuliyiin ka socday qaarada Afrika.
Xiriirka Somaliyeed ee kubadd oo qeyb ka ahaa aqoon korarsi ay soo abaabushay Ururka kubadda Cagta ee qaradda Africa ee CAF aqoon isweydaarsiga maamulka ah ( CAF Governance Workshop) oo lagu qabtay waddanka Ethiopia magaladda Addis Ababa.
Aqoon kororsigaan waxaa Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda Cagta ku mataladda Xoghayaha Guud Yusuf Mohudin Ahmed iyo Fahmo Kulle Ali Madaxa Dhaqallaha Xiriirka somaliyeed ee kubadda Cagta.
Aqoon isweydaarsigan oo lagu baranaye qodobadda soo socdo oo la xiriirka Hab Maamul wanaaga Kubadda Cagta:
1. Arimaha Maamul wanaaga
2. Maamulka wanaaga arimaha dhaqaallah
3. Arimaha sharciyadda iyo xeerarka u degsan Xiriiradda kubadda cagta
4. Arimaha nabad galyadda iyo badqabka ciyaartoyda da’ayarta iyo kuwa waaweyn
5. Dood wadaaag ilaalinta ciyaartoyda berito ee Africa
Aqoon isweydaarsigaan oo ka turjumaya aragtidda Madaxweynaha Ururka kubadda cagta ee qaradda Africa “Dr. Patrice Motsepe oo ah ka dhigista kubbada cagta Afrika mid caalami ah oo tartan iyo iskeed isu taagta”.
Scroll to Top