Kooxaha MCC iyo Elman ayaa galabta ku ballansan garoonka Muqdisho kullan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Soomaaliya.
Mogadishu City oo ah kooxda horyaalka difaacaneysa waliba ku guuleysatay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa wajaheysa Elman oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay sanadkaan.
Kooxda uu hoggaamiyo macallin Cabdi Joon ayaa 2-0 kusoo garaacday Jaziira kullankeedii koowaad ee horyaalka, halka MCC ay iyana 1-0 guul ugu soo heshay Jeenyo.
Labada koox ayaa ka mid ah naadiyada ugu magaca weyn dalka,sidoo kale sheegan kara in ay ku guuleysteen dhowr horyaal oo dalka ah.
Somali National League ayaa si xiiso leh u soconaya, iyadoo maalintii shalay ay guul gaartay naadiga Horseed, xilli ay 6-0 ku garaacday Gantalaha Afgooye.
