Maanta ayaa xarunta garoonka Jaamacaddaha loogu xareeyay ciyaartooy da’yar oo dhawaan laga soo xulay tartankii dhawaan lasoo gabagabeeyay ee dhexmariyay academy-yada dalka. Ciyaartoydan ayaa la filayaa in ay mustaqbalka dhow ka mid noqdaan xulka qaranka Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah barnaamijka horumarinta ciyaartooyda da’da yar ee loo yaqaan TDS – Talent Development Scheme.
Ujeeddada guud ee barnaamijkan ayaa ah in la helo jiil cusub oo karti iyo xirfad sare leh, kuwaas oo matali doona dalka mustaqbalka, isla markaana laga dhiso xirfadooda ciyaareed iyadoo loo marayo tababaro casri ah iyo hagitaan joogto ah.
Munaasabadda furitaanka barnaamijka TDS waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Mudane Cali Cabdi Maxamed, oo uu wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 3aad Mr. Yusuf Xusen Mumin, iyo xubno sare oo ka tirsan Guddiga Fulinta oo ay ka mid yihiin Bashir Salad Bare iyo Fahmo Kulle Cali.
Guddoomiyaha ayaa hadal dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira u jeediyay ciyaartooyda da’da yar, isaga oo ku booriyay in ay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay muujiyaan dadaal, anshax iyo karti si ay u gaaraan heerar sare oo ciyaareed.