Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Madaxeynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa soo xiray maanta…..

 

 

Madaxeynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa soo xiray maanta aqoon isweydaarsi laba maalmood socday oo ay ka qeybgaleen Xoghayeyaasha iyo Madaxa diiwaangalinta kooxaha heerka koowaad ee dalka kuna saabsanaa (Club Licensing Online Platform).

Barnaamijkaan oo si qoto-dheer loo sharaxay kana mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee kubadda cagta casriga ah ayaa kooxaha ku hagi doona iney jaangooyaan dhinacyada ay qasabka tahay iney hagaajiyaan sida: Kaabayaasha dhaqaalaha, maamulka maaliyadda & hormarinta dhalinyarada.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo kasoo qeybgalkooda xubnaha kooxaha, sidaad ogtahiin shati siinta naadiyada waa qeyb ka mid ah kubadda cagta casriga ah” ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdi Maxamed.

Wuxuuna intaas ku daray: “Hadafkeena waa inaan kooxaha ka caawino hormarkooda, si loo gaaro heerkaan waa in kooxaha ay u shaqeeyaan si daahfuran oo joogto ah”

Barnaamijka (CLOP) waxaa lagu shaqeyn doonaa xilli ciyaareedka bilaaban doona ee 2024/2025.

 

 

 

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Email:media@footballsomalia.so

Scroll to Top