Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa manta daahfuray tababar soconaya laba maalmood oo ku saabsan FIFA Amateur Football Development Analysis oo ay bixinayeen Serame Letsdaka & Ali Mwebe oo ah La taliyayaal arrimaha hormarinta u qaabilsan FIFA.
Xubno ka socda Guddiga Fulinta Yusuf Hussein & Fahmo Kulle, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Dr. Yusuf Muhadin, & madaxa barnaamijka FIFA Forward Ali Ahmed Mohamud ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa barnaamijka.
Tababarkaan oo diirada lagu saaray falanqeynta iyo qiimeynta xaaladda kubadda cagta heerka amateur (Kubadda cagta aan xirfadda aheyn), si loo fahmo baahiyaha jira, caqabadaha & fursadaha hormarineed ee ciyaaraha aas-aasiga ah.
Maalinta koowaad waxaa ka qeybgalay agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Xiriirka & qaar ka mid ah shaqaalaha iyadoo lagu falanqeeyay muhiimadda xog uruurinta saxda ah, wadashaqeynta waaxaha & dajinta qorsheyaal horumarineed oo waxtar leh.
Tababarka wuxuu socon doonaa laba maalmood iyadoo la filaayo in laga soo saaro talooyin iyo qorahe cad oo lagu hormarinaayo kubadda cagta heerka amateur.





