Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay daawashada ciyaar xiiso leh oo dhex martay naadiyada MCC iyo Horseed.
Madaxweynaha waxaa wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Axmed farax Taqal, Cabdirashid Cabdulle Maxamd iyo Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Aadan Yabarow (Wiish).
Ciyaartan oo qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Somali National League ee xilli-ciyaareedka 2024/2025, ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Muqdisho, iyada oo lagu kala baxay barbaro 2-2.
Kulankan ayaa ahaa mid aad u adag, iyada oo labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar xirfad sare leh oo soo jiidatay taageerayaasha isugu yimid garoonka.