Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka xiriirka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa hambalyo diiran u diray Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ocean Stars oo guul taariikhi ah ka gaaray xulka Mauritius.
Qaranka Soomaaliya ayaa laba kulan oo aan wax gool ah laga dhalin wajahay Mauritius, waxaana ugu dambeyn wiilasha Ocean Stars guusha ku qaateen gool ku laad 4-2.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u ammaanay ciyaartoyda xulka oo muujiyay dadaal, geesinimo iyo isku duubni, taasoo keentay guushan qiimaha leh.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay macallimiinta xulka oo door weyn ka qaatay diyaarinta iyo hoggaaminta kooxda, isaga oo tilmaamay in xirfaddooda iyo qorsheyntooda ay laf-dhabar u ahayd guusha la gaaray.
Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wafdiga Xulka Qaranka oo si hagar la’aan ah u garab istaagay ciyaartoyda, kana shaqeeyay in wax walba u socdaan si habsami leh inta lagu guda jiro tartanka.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay in guushan ay dhiirrigelin u tahay horumarka kubadda cagta dalka, isla markaana ay farxad gelisay dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
