Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Natiijadii ciyaaraha ee horyaalka ingriiska.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Samir Nasri ayaa maanta goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxda Arsenal.

kadib markii maanta ay isla ciyaareen labada kooxood ee Arsenal iyo West Bromwich A. , Ciyaartaas oo ahayd mid iska caadi ah.

Nasri oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Algeria ayaa goolkii guusha u dhaliyay Arsenal kadib markii Afar daqiiqo oo kaliya ay kasoo wareegtay  ciyaarta bilowgeedii , taas oo sababtay in kooxda arsenal ay sadexdeedii dhibcood ee ugu horaysay horyaalka sanadkaan ay qaadato.

Sidoo kale Ciyaarta Middlesbrough iyo Totenham ayaa waxay ku dhamaatay 2-1 oo guushu ay raacday  kooxda Middlesbrough , Ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa goolka guusha waxaa dhaliyay Ciyaaryahan Mido oo in muddo ah dhaawac ku maqnaa.

Ciyaarihii kale ee maanta dhacay waxay ku dhamaadeen sidaan :

Arsenal      1 – 0    West Bromwich A.
Bolton W.    3 – 1    Stoke C.
Everton      2 – 3    Blackburn R.
Hull C.       2 – 1    Fulham
Middlesbrough    2 – 1    Tottenham H.
West Ham U.    2 – 1    Wigan Athletic
Sunderland    0 – 1    Liverpool.

Scroll to Top