Xulka Soomaaliya ayaa gaaray guul weyn oo taariikhi ah kadib markii ay ka gudbeen Mauritius wareegga hore ee isreeb-reebka AFCON 2027.
Labada lugood ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaaday 0-0, balse qaranka Soomaaliya ayaa muujiyay adkeysi, karti iyo kalsooni, ugu dambeyntiina waxa ay ku badiyeen rigoorayaal 4-2.
Guushan ayaa Soomaaliya u dirtay Group stage-ka tartanka, taas oo ah tallaabo weyn oo muujinaysa in xulka qaranku uu si tartiib ah u dhisayo sumcad iyo rajo cusub, mahadaama Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ay juhdi xoogan ku bixinayaan xulka.
In qaranka Soomaaliya aan laga dhalin wax gool ah, laba kulan oo ay wajaheen Mauritius ayaa muujineysa in wiilasha Ocean Stars ay leeyihiin difaac adag, isku xirnaan ciyaartoy iyo macalimiin qaadi kara masuuliyadda marka cadaadisku bato.
Soomaaliya hadda waxay ka mid noqotay dalalka ciyaari doona Group Stage-ka AFCON 2027 oo qaab is reeb reeb ah.
Sida qorshaha uu yahay xulalka kasoo gudbay marxaladda koowaad ee isreeb-reebka ayaa la midoobi doona dalalka kale ee Afrika kuwaas oo ciyaari doona lix kulan oo Group ah waliba qaab Home iyo Away ah.
Taas macnaheedu waa in xulka Soomaaliya uu hadda galayo marxalad rasmi ah oo tartan dhab ah, saddex dal ayuuna qaranka Soomaaliya la ciyaari doonaa kulamo tiradooda gaareysa lix ciyaar.
Jadwalka hadda la hayo wuxuu muujinayaa in group stage-ka qualifiers-ku uu bilaaban doono bisha Sebteembar 2026.
Jadwal ahaan waxaa la ciyaari doonaa 1–4 Sebteembar ilaa Oktoobar 2026 iyo 5–6 Nofeembar 2026.
Taasi waxay Soomaaliya siinaysaa waqti ay ku sii diyaar garowdo, ku xoojiso safka, ku hesho ciyaaro saaxiibtinimo, kuna dhisto koox tartan adag u diyaar ah.
Natiijooyinka wanaagsan ee qaranka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu go’aamiyay in la badiyo ciyaaraha saaxiibtinimo iyo tartamada waaweyn ee laga qeyb galayo, taasoo keentay natiijo miro dhal ah.











