Horyaalka kubadda cagta dalka ee Somali National League, ayaa galabta dib loo amba qaadi doona xilli ay is wajihi doonaan Kooxaha Raadsan iyo Jaziira.
Horyaalka ayaa hakad la galiyay sabab la xiriirta bisha Ramadaan, iyadoo koox walba ay horay u ciyaartay min hal kullan.
Labada koox ee galabta is wajahaya ayaa guuldarrooyin lasoo kulmay kullamadii koowaad, waxa ayna koox walba raadineysaa in ay guul gaarto.
Raadsan ayaa guuldarro 2-1 ah kala kullantay Horseed, halka Jaziira iyana lagu garaacay 2-0 ciyaar ay wajahday Elman.
Labada koox ee galabta is wajahaya ayaa ku jiray tababar heer sarre ah oo ay ugu diyaar garoobayeen kullankaan xiisaha badan oo ay dheelayaan xilli ciyaareedkaan.
