Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

SAWIRRO:Elman iyo MCC oo bar baro ku kala tagay

Mid ka mid ah kullamadii ugu xiisaha badnaa horyaalka Somali National League ayaa galabta ka qabsoomay garoonka Muqdisho.

Ciyaartan ayaa waxaa is wajahay kooxaha sida aadka loo qadariyo ee kala ah MCC iyo Elman,iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed aad loogu riyaaqo.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-0, xilli labada koox ay iska qasaariyeen fursado muhiim ah oo goolal loo filan karay.

Wada tashi kaddib markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, labada koox ayaana u suura galin in wax gool ah ay iska dhaliyaan, iyadoo ciyaarta guud ahaan ay kusoo dhammaatay 0-0.

Kooxaha MCC iyo Elman ayaa ka dhigan in hadda ay leeyihiin min afar dhibcood,waxaana xusid mudan in shabaqooda aan la gaarin labadii kullan ay ciyaareen horyaalka.

Dhanka kale goolhayah naadiga Elman Saciid Alaaley ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta, waxa uuna badbaadiyay dhowr fursadood oo goolal loo filan karay.

Scroll to Top