Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Shirweynaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo lagu ansixiyay qodobo muhiim ah.

S
Shirweynaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo lagu ansixiyay qodobo muhiim ah.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, ayaa shalay oo Axad ah 30-ka juun qabtay shirweynihiisa sanadlaha kaasoo looga dooday laguna ansixiyay dhowr qorshe oo ku saabsan horumarinta kubadda cagta Soomaaliya.
Dhammaan xubnaha shirweynaha oo ay ku jiraan Kooxaha kubbadda cagta, Maamul goboleyada iyo Ururadda Kubadda Cagta ayaa ka soo qayb galay shirweynaha.
Shirweynaha ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka 2023 waxaa loogu gudbiyay shirweynaha buugga waxqabadka, halka sidoo kale lagu ansaxiyay qoraal maaliyadeedka 2023, qorshe hawleedka 2024 iyo Miisaaniyadda 2024 loo akhriyay shirweynaha si loo hergaliyo dhamaan qorshayaashaas.
Dood dheer oo furan ka dib si waafaqsan dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, shirweynuhu wuxuu si aqlabiyad ah ku ansixiyay qodobada hoos ku xusan.
1. Qoraalka waxqabadka sanadki 2023 iyo qorasha sanadka 2024.
2. Qoraal Maaliyadeedka Sanadki tagay ee 2023 oo soo bandhigay
3. Qorshaha qoraalka Maaliyadeedka Sanadka 2024 oo eey soo bandhigeeyn gudiga dhaqallaha XSKC oo loo bandhigay Shirweynaha XSKC.
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, Cali Cabdi Maxamed, oo gaba gabadii shirka ka hadlay ayaa ugu horeyn ku bogaadiyay xubnaha shirweynaha sida wanaagsan ee ay u soo xaadireen, si cad oo ay uga doodeen, isla markaana ay si wadajir ah u ansixiyeen dhammaan ajandayaasha horyaallay shirweynaha.
‘’sanadkii tagay waxaa inuu qabsoomay qorshayaal waa weyn oo ay ka mid yihiin kordhinta tartamada gudaha, aqoon kororsi loo qabtay dhamaan waaxyahay kala duwan xiriirka, ka qeyb galay tartamada caalamiga ee kala duwan iyo in markii ugu horeysay meel ka baxsay caasimada lagu cayaaro Super Cup-ka Soomaaliya taasoo qeyb ka aheed qorshaha lagu gaar siinaayo kubbadda cagta dalka oo dhan’’ayuu yiri Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed.
Shirweynaha ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan oo ay dhamaan xubnaha shirka oo wada dhaweeyeen qabka loogu soo badhigay waxqabadka xiriirka.
Scroll to Top