Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Soomaaliya oo xil muhiima ka qabatay Ururka Kubadda Cagta Bariga & Bartamaha Afrika (CECAFA).

Soomaaliya oo xil muhiima ka qabatay Ururka Kubadda Cagta Bariga & Bartamaha Afrika (CECAFA).

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka madaxweyne ku xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga & Bartamaha Afrika (CECAFA), kaddib Shirweynaha Guud ee doorashada CECAFA oo ka dhacday dalka Jabuuti, taas oo ay ka qeyb galeyn madax ka kala socotay FIFA, CAF iyo CECAFA.

Guusha Cali Shiine ayaa ka tarjumeysa kalsoonida ay xiriirrada xubnaha ka ah CECAFA ku qabaan hoggaanka, kartida iyo doorka firfircoon ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ku leeyahay horumarinta kubadda cagta gobolka.

Xilka cusub ee loo doortay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ee ah madaxweyne ku xigeenka (CECAFA) oo muddo xileedlkiisu yahay Afar sano ah ayaa la filayaa inuu xoojin doono iskaashiga dalalka xubnaha ka ah CECAFA, islamarkaana uu gacan ka geysan doono horumarinta tartamada, tababarrada iyo maamulka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Scroll to Top