Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Tababarka garsoorayaasha Soomaaliya oo ka furmaya Jabuuti

Tababar heer caalami ah oo uu bixinayo ururka FIFA ayaa maalinta sabtida ah ee inasoo aadan ka furmaya dalka Jabuuti,sidaasina waxaa maanta saxaafada u sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid carab oo hada ku sugan dalka Jabuuti.

Xoghayaha guud waxaa uu sheegay in tababarkan oo qeyb ka ah barnaamijka WIN IN AFRICA WITH AFRICA uu qabsoomi doona inta u dhexeysa 13-17 march,kasoo ah tababarkii labaad oo heer caalami ah oo Soomaaliya ay ka hesho FIFA muddo lix bilood ah.

“Dhaadkii bishii Cotober ee sanadkii tagay waxaanu helnay tababar ay ka qeyb galeen 30 macalin ooka mida macalimiinta kubada cagta Soomaaliya hadana waxaanu qabanaynaa tababarka garsooreyaasha”ayuu yiri xoghayaha guud oo sheegay in ka hor koobka aduunka ee sanadkan sidoo kale Soomaaliya loo qaban doono tababar xaga maamulka ah oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda naadiyada dalka ka dhisan.

“Waxaa ay ahayd in tababarkan lagu qabto dalka gudihiisa laakin xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu dalka kuma marti gelin karo macalimiin caalami ah sababtuna waxaa ay tahay xaaladaha amaan darro iyo dagaalada joogtada ah ee dalka ka jira oo u dhexeeya dowlada iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Islaamiyiinta oo dhinaca kale kasoo jeeda sidaa darteed waxaanu go’aaminay in dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti lagu qabto”ayuu yiri xoghayaha guud.

Iyadoo kubada cagta soomaaliya ay waajahayso dhibaatooyinkii ugu darnaa ee abid soo wajaha isla markaana garoonkii ugu weynaa dalka Soomaaliya uu isu badalay xero ciidan ayaa hadana madaxda xiriirku waxaa ay sheegeen in ay ka go’antahay in la horumriyo kubada cata Soomaaliya wax kastaba ha ku qaadatee.

Garoonka stadium Muqsisho oo dowlada shiinuhu dhistay sanadkii 1978-kii ayaa waxaa uu bari ahaan jiray garoonka ugu weyn uguna quruxda badan Afrika iyo dunida carabta laakin nasiib darro waxaa uu maanta yahay garoonka ugu muuqaalka xun caalamka oo dhan iyadoo sababtuna ay tahay dagaalada raagay ee ka jira dalka sharci la’aantu la dagtay ee soomaaliya.

Scroll to Top