Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Tony Adams oo jagada tababarenimo ee Arsenal kala wareegidoona Wenger.!!

Tony Adams ayaa sheegay in sida ay la jecelyihiin taagerayaasha kooxda Arsenal uu u yeeli doono… kaddib markii xaafiiskiisa ay soo gaareen waraaqo codis ah oo ka imaanaya taageerayaasha kooxda Arsenal, iyagoo ka codsaday inuu qabto jagada tababrenimo ee koooxda Arsenal, marka uu Wenger ku biro maamulka sare ee Naadiga.

Adams oo galabta ka hadlayay kulanka taageerayaasha Ingiriiska ee England Fan’s Forum oo ay soo qaban qabisay hey’adda Nationwide building Society ayaa yiri “Haddii uu Arsene Wenger uu baxayo, waxaan soo gar garaaci doonaa irida kooxda Arsenal, laakiin hadda wuxuu u muuqdaa inuu soo joogi doono kooxda, hase ahaatee maalin waan qaban doonaa jagadaas”.

Adams ayaa intaas ku daray “Waan aqbali doonaa codiga taageerayaasha, waayo kooxdu inta badan waxay ku dhisan tahay taagereyaasheeda, sidaas daraadeed haddii ay dhacdo in kooxdu u baahato tababre waxaan diyaar u ahay in aan jagadaas la wareego, waayo kooxda waan la soo hal-gamay, in badan ayaana ahaa ciyaaryahan ka ciyaara difaaca kooxda Arsenal”

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in madaama uu Wenger ku biirayo guddoomiye ku xigeenada awooda sare ku leh naadiga ay kooxdu u baan tahay tababare buuxiya booskiisa, iyadoo ay lagama maarmaan u tahay kooxda in ay hesho tababare INgiriiska ah oo la soo saxiixda ciyaartooyda wadanka u dhashay, waayo waxaa jira carro ka imaaneysa qaar ka mid ah taageerayaasha taas oo ah in kooxda ay ku yar yihiin ciyaartooyda wadanka u dhalatay, iyadoo ku eedeeyay tababare Wenger in indhihuusa aysan qaban ciyaartooyda wadanka u dhalatay, taas oo sababeysa in magaca kooxda laga waayo garoonka Wembley ee xulka wadanka Ingiriiska.

Scroll to Top