Shirka 3-biloodlaha Guddiga Fulinta
Waxaa maanta xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ka dhacay Shirka 3-biloodlaha ah ee Guddiga Fulinta kaas oo looga dooday qodobo muhiim ah oo ku saabsan hormarka kubadda cagta dalka.
Ugu horreyn Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa hadal kooban ka jeediyay shirka ka hor inta aysan xubnaha ka qeybgalay isla qaadan dhawr qodob oo muhiim ah.
Waxaa warbixin kooban laga dhageystay Gudoomiyaha arrimaha kubadda cagta heer maamul goboleed iyadoo si faah-faahsan looga hadlay.
- Dhismaha Maamul Ururada Kubadda Cagta M/ Goboleedyada
- Doorashooyinka Ururadda Kubadda Cagta M/ Goboleedyada
- Qoraalka dhawaan kasoo baxay Ururadda Kubadda Cagta M/ Goboleedyada
Sidoo kale Barnaamijka Abaalmarinta kubadda cagta (Somali Football Awards) ayey hirgalintiisa isla qaateen xubnahii kasoo qeybgalay shirka.
Dhinaca Horyaalada, waxaa si adag looga dooday horyaalka heerka labaad ee dalka fasalka 2023/2024
- Ciyaarta kala baxa ah ee (Play off Match)
- Madbacadda vs Somali Fruit
Waxaa intaas dheer in go’aan laga gaaray jadwalkaga ciyaaraha sanad ciyaareedka 2024/2025
- Horyaalka heerka 1-aad 2024/2025
- Horyaalka heerka 2-aad 2024/2025
- Koobka Janaraal Daa’uud
Horyaalka dhalinyarada 15-jirada & 17-jirada ayaa isna ka mid ahaa qodobada looga hadlay shirka, waxaana la isla qaatay in laba heer loo sameeyo.
- Horyaalka heerka 1-aad (U17)
- ÞHoryaalka heerka 2-aad (U15)
Ugu dambeyntiina xubnaha guddiga fulinta waxey isla qaateen lana qorsheeyay qaabka laga yeelayo Xulka Qaranka 17-jirada oo ka qeybgalaya isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika (14-ka ilaa 29-ka) December 2024.
Xubnaha waxey isku raaceen hanaanka diyaarinta xulka qaranka 17-jirada iyadoo ay xaadir ahaayeen shaqaalaha farsamada xulka qaranka 17-jirada.