Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Waxaa xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya lagu soo gabaganeeyay shahaadooyinna lagu gudoonsiiyay 34 Macalin…

    
Waxaa xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya lagu soo gabaganeeyay shahaadooyinna lagu gudoonsiiyay 34 Macalin oo fursad u helay iney qaataan tababar macalinimo oo caalami ah (CAF D License Coaching), waana markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu qabto.
Macalimiin Soomaali ah ayaa bixinayay koorsada, waxaana la baray:
1. Aragtida Kubadda
2. Habka tababarka
3. Farsamooyinka Kubadda Cagta
4. Maamulka Kubadda Cagta
5. Aas-aaska Kubadda Cagta
6. Qorsheynta tababarada
7. Sharciga Kubadda Cagta
Iyo guud ahaan fahamka guud ee sida loo noqdo tababare xirfad leh oo barbaarin kara ciyaartoydiisa.
33 Macalimiin ayaa gudoomay shahaadooyin caalami ah, waxeyna fursad u heli karaan iney gaaraan darajooyin kasii sarreeya.
Tababarka waxaa soo xiray Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed oo ay garab fadhiyaan Gudoomiye ku xigeenada 2-aad & 3-aad, Madaxa Farsamada, Madaxa Guddiga Tartamada, Madaxa guddiga Fardamada & Madaxa qeybta Waxbarashada.
Scroll to Top