Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya

Xulka U 17-ka Soomaaliya Oo kala jebiyay Xulka Kenya

Xulka qaranka kubadda cagta dalka Soomaaliyeed ee da`doodu ka hooseyso 17-jirada ayaa kala jebiyay dhigooda dalka Kenya cayaar ka mida is reeb reebka koobka U 17-ka qaaraa Afrika oo ka dhacayday dalka Jabuuti.

Ciyaartan oo ahayd mid ad u adag ayaa labada xulba waxaa ay soo bandhigeen cayaar farsamadeedu sareyso, waxaana weerar iyo weerar celis kadb xulka Soomaaliya ay heleen goolkii ugu horeeyay horaantii qeybtii hore ee cayaarta, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay Soomaaliya u hogaamineysay.

Goolkaas sida uu ku yimid hadaan ka yara sheekeyno xulka Soomaaliya waxaa ay qeybtii hore ee cayaarta ka faa`ideysteen fursad kubad si qurux badan ay isugu dhiibeen daqiiqadii 16-aad ciyaaryahanada Siidii iyo Maxamed Yare waxaana loo hadiyeeyay weeraryahanka Jibriil Xasan Maxamed oo gool qurux badan dhigay shabaqa xulka Kenya.

xulka Somalia ayaa sii dardargeliyay weeraro uu ku qaaday goolka Kenya balse uma suragelin inay gool dhaliyaan inkastoo fursado qaali ah ay iska lumiyeen intii ay socotay qeybtii hore ee cayaarta.

Qeybtii labaad markii ay labada xul isku soo laabteen ayaa waxay xulka Somalia muujiyeen ciyaar wanaag ku dheehan kubad isku dhiib qurux badan daqiiqadii 56` xulka Somalia kubad dadab ah oo uu soo qaaday ciyaaryahan Daahir waxaa darbad xoogan shabaqa xulka Kenya la helay mar kale weeraryahan Jabriil Xasan Fariid.

Intaas ka dib xulka ayaa wuxuu si wacan ula wareegay hogaanka ciyaarta waxaa si weyn sacab ugu dhacay oo taageerayaasha xulka Soomaaliya ku qeylinayeen heesta calanka iyagoo farxad iyo dhiirigelin uga dhigayay xulkooda waxaa taasi xulka ka qaadeen in ay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan guusha ciyaartan waxayna mar kale ku dharbaaxeen xulka Kenya goolkii saddexaad goolkaas oo ahaa mid Corner ah waxaa madaxa ku raaciyay ciyaaryahan Maxamed Xasan Cali [Shiine] oo ka dhigay 3-0 ciyaarta.

Gabagabdii ciyaarta ayaa gool caato ah oo laad xor ah (Free Kick) waxay u suragashay da`yarta xulka Kenya waxaana ciyaarta ku soo idlaatay 3-1 oo si weyn loogu saxariiriyay xulka Kenya .

Ciyaartan ayaa waxay qeyb ka tahay isreebreebka koobka CAF U17 oo lagu qaban doono dalka Rwanda sanadka 2011, waxaana lugta labaad lagu wadaa in labadan xul Somalia iyo Kenya ku ciyaaraan 24-ka bishan magaalada Nairobi maadaama ciyaartu tahay [Home-Away] xulka Somalia ayaa iminka waxaa Hoygooda [Home] u ah dalka Djibouti ee aanu walaalaha nahay.maadaama dalka Somalia aysan ka jirin nabadgelyo la isku halayn karo.

Guusha baaxadda leh ee ay xulka Somalia ka gaareen ciyaartan ayaa ah mid si weyn u farxadgelinaysa bahda isboortiga iyadoo la ogyahay in xulka kubadda cagta Somalia ku tababar qaadanayeen in muddo ah meel aan ku habooneyn tababarka [Bacaadka-Scuola di Polizia] islamarkaasna ay u dhabar adeegeen sidii ay asaagooda caalamka wax ula qeybsan lahaayeen taasoo maanta dhaxalsiisay in ay guul soo hoyaan.

Scroll to Top