Guddoomiyaha XSKC oo furay horyaalka heerka sedexaad ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa furay tartanka sanadlaha ah ee horyaalka heerka sedexaad.

Kooxaha kubbada Cagta ee Rajo Fc iyo Gasco Fc ayaa lagu biloway horyaalka heerka 3-aad ee dalka ciyaartas oo ka dhacday garoonka Eng Yariisoow labada koox oo isla dhaafi waayeen bar-bar dhac 0-0 ah.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed oo munaasabada furitaanka tartanka hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay kooxaha ka qeyb galaaya tartankan oo fursad ay ku ciyaaraan siiyay dhalinyarada.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so