Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo tababar u furay dhaqaatiirta kubbada cagta.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa manta tababar gar-gaarka deg-deg ah u furay dhaqaatiirta kooxaha iyo waaxda caafimaadka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Tababarkan ayaa looga hadli doonaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin gargaarka deg dega ah ee ciyaartoyda, maaraynta wadne-istaagga degdega ah ee ku yimaada ciyaartoyda kubbadda cagta.

Xubin ka tirsan guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka Cumar Maxamuud Nuur oo ka hadlay munaasabadda furitanka aqoon isweydaarsiga ayaa sheegay in aqoon isweydaarsigan uu yahay mid sanadle ah ayna ka goantahay in la horumariyo waaxda caafimaadka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

“Muhiimadda tababarkan waxa ay tahay in dhakhaatiirtan da’yarta ah in la horumariyo aqoontoda iyo xirfadoda ay u baahan yihiin si loo hubiyo in ciyaartoyda Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo ku habboon ayna mudan yihiin” ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so