Guddoomiyaha XSKC oo tababar u furay Macalimiinta heerka Sedexaad.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar u furay Macalimiinta heerka sedexaad ee kubbadda cagta Soomaaliya.

Tababarkan oo socon doona 17-18 ka bishan ayaa waxaa ka qeyb galaya 14 macalin, waxaana macalimiin ka ah Cawil Ismaciil Maxamed iyo Cabdiraxmaan Axmed Cabdi oo ka wada tirsan macalimiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Guddomiye Cali Cabdi Maxamed ayaa hadal ka jediyay furitaanka tababarka wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay habka xafiiska farsamada usoo abaabulay munaasabada furitaanka tababarkan. guddoomiyaha ayaa ku amaanay qeybta farsamada soo saarista Macalimii dhalinyaro oo si weyn uga dhex muuqda cayaaraha.

Tababkaan ayaa imaanaya xili lagu wado maalinta jimcaha la daah furo horyaalka heerka sedexaad ee Soomaaliya.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so