Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa maanta tababar u furay garsoorayaasha dhalinyarada.

Garsoorayaasha kubadda cagta ee da’yarta Soomaaliya ayaa manta loo furay tababar looga dan leeyahay in lagu kordhiyo tayadooda iyo aqoontooda garsoore.

Tababarkan oo socon doono 17-21 May 2022 waxaa ka qeyb galaaya 20 ka mid ah garsoorayaasha dhalinyarada kubadda cagta Soomaaliya.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Cabdi Maxamed oo khudbad kooban ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa ku ammaanay waaxda garsoorka sida mar walba ay u horumarinayaan garsoorayasha dhalinyarada,sidoo kale guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay ka faaideystaa macaliinta bixineysa tababarka.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so