Madaxweynaha XSKC oo kulan qado Sharaf u sameeyay xidigihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa kulan qado Sharaf la qaatay Ciyaartoydii hore ee xulka qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Cabdi Maxamed ayaa la sheekestay xidigii hore isagoo u sheegay in loo baahan yahay talodooda iyo fikirkooda lagu hormarin karo kubadda cagta Soomaaliya, sidoo Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in la qaban doono kulan dood wadaag oo ay ka soo qeyb galayan dhamaan ciyaartoydii hore ee xulka qaranka Soomaaliya.

Kulanka qadada waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha gudiga fulinta, ku simaha xoghayaha iyo agaasimaha farsamada xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Waxaada Warfaafinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Email: media@footballsomalia.so